Tottenham oo Chelsea ka afduubanaysa tababare Maurizio Sarri

(London) 01 Juunyo 2018 Tottenham ayaa u muuqata mid ka afduubanaysa tababare Maurizio Sarri kooxda Chelsea oo wadahadal kula jirtay isbuucyadii la soo dhaafay.

Madaxwaynaha Tottenham ayaa sheegay hadal shaki badan dhaliyay kadib markii uu diiday inuu beeniyo wararka kooxdiisa la xiriirinaya tababare Maurizio Sarri.

“Ma doonayo inaan xaqiijiyo ama aan beeniyo arinka Maurizio Sarri waqti xaadir kaan” ayuu yiri madaxwaynaha kooxda Tottenham.

Chelsea ayaa ku wargalisay tababare Maurizio Sarri inaysan bixinayn lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Napoli oo ah 7 milyan oo Ginni.

Blues ayaa dib ugu laabatay Luis Enrique kaas ayeey haatan ku dhawdahay sida ay sheegayaan wararka qaar.

Tottenham ayaa ka dhiganaysa Maurizio Sarri badalka Mauricio Pochettino kaas oo loo badinayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close