Barcelona oo abaal marinaysa Jordi Alba kadib hadaladii ka soo yeeray wakiilkiisa

(Barcelona) 01 Juunyo 2018 Wakiilka Jordi Alba ayaa canaantay Barcelona maalmo ka hor, wuxuuna sheegay inay sanad iyo bar sugayaan in kooxdu ay heshiis cusub ka saxiixdo laacibka.

Hadalada wakiilka Jordi Alba ayaa sababay in xiddiga ay soo damcaan kooxo badan sida Manchester United iyo Chelsea.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in maamulka Barcelona ay diyaar u yihiin inay heshiis cusub ku abaal mariyaan Jordi Alba.

Barcelona wax wal wal ah kama qabto kooxaha xiisaynaya saxiixa Jordi Alba maadaama uu kooxda ku la jiro heshiis lagu burburin karo 150 milyan oo euro.

Sababtaas ayaa ugu wayn dib u dhiga kooxda ee heshiis kordhinta Jordi Alba.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close