Sami Khedira: “Waxaan ku dhawaaday inaan ka fariisto kubada cagta”

(Juventus) 31 Maajo 2018. Khadka dhexe kooxda Juventus iyo xulka qaranka Germany Sami Khedira ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday ka fariisashada kubada cagta.

Sami Khedira ayaa u sheegay wargeyska “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga inuu qarka u fuulay qaadashada go’aan uu kaga fariisan lahaa kubada cagta.

“2015-kii, ka dib markii aan ka tagay kooxda Real Madrid, isla markaana aan si lacag la’aan ah aan ku imid Juventus”

“Waxaan doonayay inaan ka mid noqdo, mid ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan kubada cagta, sidaas darteed awood uma lahayn inaan u dagaalamo si aan u noqdo kan ugu fiican”.

“Sababa arintan la xiriira waxaan waayay farxadeyda, sidaas darteed waxaan ku fikiray inaan howlgab noqdo, laakiin xiligaas kadib, waxaan badalay fikirkeyga”.

Sami Khedira ayaa wuxuu haatan isku diyaarinayaa, dhacdada ugu weyn ee kubada cagta ee koobka aduunka 2018 kaasoo bisha soo aadan ka furmi doono dalka Russia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close