Real Madrid oo ganaaxaysa Cristiano Ronaldo (Muxuu haleeyay?)

(Madrid) 31 Maajo 2018 Maamulka sare ee Real Madrid ayaa maanta ka arinsanaya inay ganaaxaan xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in masuuliyiinta ugu sareeya Real Madrid ay aad uga caroodeen falkii uu ku kacay Ronaldo Final-kii Champions League.

Xiddigaan ayaa jabiyay sharciyada u dagan kooxda Real Madrid kadib markii uu sheegay inuu go’aan ka gaarayo mustaqbalka kooxda.

Ronaldo ayaa loo haystaa inuu jabiyay mid kamid ah sharciyada u dagan Real Madrid maadaama uu ku jiro shaqaalaha kooxda boqortooyada Spain.

Maamulka ayaa maanta oo kahmiis ah ka arinsanaya waxay ay ka yeeli lahaayeen arinka Ronaldo, waxaana la filayaa in kooxdu ay ku rido ganaax culus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close