Muxuu ka yiri wakiilka Alisson Becker wararka ku aadan in uu heshiis dhex maray kooxda Real Madrid?

(Roma) 31 Maajo 2018. Wakiilka Alisson Becker ayaa beeniyay wararka ku aadan in Real Madrid ay heshiis la gaartay xidiga uu dalaalka ka yahay ee xulka qaranka Brazil.

Halyayga xulka qaranka Brazil Cafu ayaa dhawaan fiidiyoow uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu shaaca ku sheegay: “Sida ay ila tahay aragtideeda, heshiiska Alisson Becker uu ugu biirayo kooxda Real Madrid waa mid la dhameystiray”.

Laakiin wakiilka goolhaayaha xulka qaranka Brazil ee Zé Maria Neis oo arintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Ma jiro wax heshiis ah ee lala gaaray kooxda Real Madrid, kaliya waa warar been abuur ah”.

“Waxaan fahmi la’ahay sida ay ugu suura gashay in Cafu uu ogaado in badan waxaan aniga ogeen”.

si kastaba REal Madrid ayaa la fahansan yahay in ay si xoogan u xiiseeneyso saxiixa goolhaaye cusub, waxaana saxiixyada ay dooneyso qeyb ka ah Alisson Becker.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close