Ka tagista Zidane ee kooxda Real Madrid oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka Ronaldo

(Madrid) 31 Maajo 2018. Wargeyska AS ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay suuragal noqon karto ka dhaqaaqista Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid. Kadib is casilaadii Zinedine Zidane.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in kabtanka xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo uu si aad ah kaga fiirsanayo inuu ka tago kooxda Real Madrid ka dib is casilaadii macalinka reer France.

Wargeyska AS ayaa xusay in Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu kala hadli doono kabtanka kooxda Los Blancos Sergio Ramos arinta Cristiano Ronaldo.

Perez ayaa qorsheenaya in Sergio Ramos uu ku qal qaaliyo Ronaldo saxiixiida heshiis cusub uu ku sii joogayo Santiago Bernabéu, gaar ahaan maadaama ay labadan xidig uu xiriir wanaagsan ee qoto dheer uu ka dhexeeyo tan iyo markii uu Cristiano yimid Bernabéu sanadii 2009.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close