Jurgen Klopp oo xidig muhiim ah ka doonaya kooxda Bayern Munich

(Liverpool) 31 Maajo 2018. Macalinka reer Germany ee kooxda Liverpool Jürgen Klopp ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo xidig ka tirsan safka kooxda Bayern Munich, inta uu furan yahay suuqa xagaaga.

Sida uu shaaciyay wargeyska “Bild” ee dalka Germany Jürgen Klopp Jérôme ayaa wuxuu xiiseenayaa in Bayern Munich uu kala soo saxiixdo difaacooda ugu muhiimsan ee Jérôme Boateng, si uu ugu xoojisto difaaca kooxdiisa.

Wargeyska ayaa tilmaamay in kooxda ay dooneyso daafac adag oo ka garab ciyaara Virgil van Dijk, si ay u wada ciyaaraan xili ciyaareedka cusub ee soo aadan.

Laakiin kooxda Bayern Munich ayaa la fahansan yahay in aysan si fudud u ogolaan doonin in uu kooxda ka dhaqaaqo difaaca xulka qaranka Germany ee Jérôme Boateng.

Waxaa suuragal ah in uu Jérôme Boateng kaga dhaqaaqo Bayern Munich aduun lacageed gaarsiisan 40 milyan oo ginni, wuxuu heystaa khibrad ku aadan horyaalka England maadaama uu horey u soo maray kooxda Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close