Jamaahiirta kooxda Real Madrid oo u codeeyay macalinka ay doonayaan inuu noqdo badalka Zidane

(Madrid) 31 Maajo 2018. Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa muujiyay sida ay u xiiseenayaan in maamulka kooxda Los Blancos ay lasoo saxiixdaan tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp, si uu u noqdo badalka Zinedine Zidane, kaasoo iska casilay shaqada tababarka ee kooxda.

Zinedine Zidane ayaa si layaab leh ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Real Madrid, kadib shir jaraa’id ay si wada jir ah ugu qabteen isaga iyo Florentino Perez garoonka Santiago bernabéu.

Intaas kadib wargeyska Marca ayaa wuxuu sameeyay ra’ayi uruurin ay ka qeyb qaateen 22,000 qof si loo ogaado cida noqon doonta macalinka cusub ee Real Madrid

Codeyntan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Afar musharax eek ala ah Jürgen Klopp, Joachim Löw, Mauricio Pochettino iyo Guti.

Jürgen Klopp ayaa helay codadka taageerayaasha inta ugu badan kuwaasoo doonaya inuu noqdo badalka Zidane, halka Mauricio Pochettino iyo Guti ay si wada jir ah gulaeen boska kaalinta labaad, halka Joachim Löw uu soo fariistay kaalinta saddexaad.

Jürgen Klopp: 30%

Mauricio Pochettino: 25%

Guti: 25%

Joachim Löw: 13%

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close