Gool FM oo SAWIR QURUX badan ka sameysay Zidane

(Muqdisho) 31 Maajo 2018. Zidane ayaa gil gilay kubbada cagta adduunka kaddib markii uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu isaga tagay xilka tababaranimo ee Real Madrid xilli 5-maalmood oo qura laga joogo markii uu la qaaday Champions League saddexaad oo xiriir ah.

Lama garanayo ilaa hadda sababta ku qasabtay inuu isaga tago xilka inkastuu wareysigiisa ku sheegay inay tahay waqtigii ku haboonaa inuu macsalaameeyo Los Blancos.

Sikastaba, GoolFM.net ayaa Sawir cajiib ah ka sameysay Zidane, koobabkii uu la qaaday kooxda, Kulamada uu leyliyay, guulaha, bar baraha iyo kuwa uu guul darreystay.

Abdisamad Mohamed Nor (Karaama) oo ka mid ah howl-wadeenada Gool FM isla markaana aqoon gaar ah u leh howshan ayaa naga caawiyay Sawirkan quruxda badan.

EEG SAWIRKA:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close