Fabio Capello: “Zinedine Zidane wuxuu qaatay go’aanka saxda ah”

(Real Madrid) 31 Maajo 2018. Fabio Capello ayaa aaminsan in Zinedine Zidane uu ku saxnaa inuu iska casilo kooxda Real Madrid, sababtoo ah waa la fasaxi lahaa hadii Champions League uusan xili ciyaareedkan kula guuleysan Los Blancos.

Zinedine Zidane ayaa maanta oo khamiis ah si layaab leh ugu dhawaaqay inuu iska casilay shaqada kooxda Real Madrid.

Macalinka reer Talyaanie ee Fabio Capello ayaa wuxuu u sheegau shabakada Sky Sports: “Hadii uusan ku guuleysan lahayn koobka saddexaad ee Champions League, wuu ceyrin lahaa Florentino Perez”.

“Badalkiisa waxaan dhihi lahaa Guti, wuxuu noqon doonaa dooq kale ee ka yimaada gudaha Real Madrid kadib Zidane, sidoo kale waxaan u sharaxayaa booskan Antonio Conte ama Maurizio Sarri”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close