Didier Deschamps oo bixiyay qish ku aadan shaqada la filayo inuu qaban doono Zinedine Zidane

(France) 31 Maajo 2018. Macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa wuxuu ka hadlay go’aankii uu Zinedine Zidane ugu dhawaaqay inuu iska casilay shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid.

Didier Deschamps ayaa wuxuu yiri: “Waqtigan Zidane wuxuu doonayaa inuu la joogo qoyskiisa, si uu u nasto, waxaa laga yaabaa in maalin uu noqon doono macalinka xulka qaranka France, laakiin kama war qabi xili ay noqon doonto”.

“Inaan arko waxa uu Zidane ku guuleystay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ayaa ah wax aad u wanaagsan isaga iyo kooxda, wuxuu u qaatay go’aankan ayaa ah inuu isku arko inuu yahay kan ugu fiican”

“Tababare kasta wuxuu xor u yahay inuu baxo, macallimiinta qaar ayaa doorbida inay baxaan, isagu waa kan ugu sareeya, waxaan qiyaasi karaa sababta uu u qaatay go’aankan”

Zinedine Zidane ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday saxiixida heshiis cusub uu xili ciyaareed kale ku sii joogi karay Real Madrid, laakiin wuxuu ogaaday in la gaaray xiliga uu isbadalka sameyn lahaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close