Xidigii hore kooxda Chelsea Guðjohnsen oo walaac ka muujiyay mustaqbalka Eden Hazard

(Chelsea) 30 Maajo 2018. Xidigii hore kooxda Chelsea Eiður Guðjohnsen ayaa wuxuu walaac xoogan ka muujiyay suurtagalnimada uu Eden Hazard kaga dhaqaaqi karo kooxda Blues suuqa xagaaga.

Eden Hazard ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid ee dalka Spain xili ciyaareedka soo aadan,

Laakiin Eiður Guðjohnsen oo ka walwalsan mustaqbalka Eden Hazard ayaa wuxuu la wadaagay saxaafada: “Waxaan rajeenayaa in uu Hazard la joogo kooxda Chelsea”.

“Laakiin waxaan ka baqanayaa in uu xagaaga ka dhaqaaqo, balse waxa kaliya ee aan ka war qabo ayaa ah inuu ku faraxsan yahay joogista garoonka Stamford Bridge”.

Real Madrid ayaa la fahansan yahay in ay xiiseeneyso lasoo saxiixashada Eden Hazard, maadaama uu qaab ciyaareedkiisa ku faraxsan yahay macalin Zinedine Zidane, laakiin Blues ayaan si fudud ku fasixi doonin xidiga kooxdeeda ugu muhiimsan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close