Warbixin Cusub oo laga soo saaray Xaalada Caafimaad ee Maxamed Saalax kaddib markii uu u duulay Spain…(Ma Ciyaarayaa Koobka Adduunka?)

(Spain) 30 Maajo 2018. Sergio Ramos ayaa Maxamed Saalax gaarsiiyay dhaawac garabka ah ciyaartii Final ka Champions League taa oo shaki wayn galisay rajadiisa koobka Adduunka.

Balse warbixin cusub uu soo saaray xiriirka kubbada cagta Masar ayaa lagu sheegay in Maxamed Saalax uu ka soo muuqan doono Dhacdada ugu wayn kubbada cagta adduunka.

Dhakhtarka xulk qaranka Masarida ayaa la kulmay Maxamed Saalax wuxuuna xiriirka kubbada cagta dalkaasi sheegay in Maqnaanshiyaha xiddiga Liverpool aysan ka badnaan doonin Saddex usbuuc oo qura.

Sawirka la xidhiidha

Egypt ayaa kulankooda furitaanka koobka adduunka la ciyaari doona Uruguay 15-ka bisha June.

25-jirka Saalax ayaa Arbacadii Spain kula kulmay dhakhtarka xulka Masar iyo Madaxa xiriirka kubbada cagta dalkaasi ee Hany Abu Rida.

Xiriirka FA dalka Masar ayaana soo dhigay Twitter kooda warbixin ay ku sheegayaan in maqnaanshiyaha Maxamed uusan ka badnaan doonin Saddex Usbuuc.

Maxamed Saalax ayaa lugtiisa ugu soo saaray Masar koobka adduunka 28-sano kaddib.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close