“PSG mise Manchester United” – Ronaldo hooyadiis oo sheegtay kooxda ay la jeceshahay wiilkeeda

(Madrid) 30 Maajo 2018 Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ee Maria Dolores ayaa ka hadashay kooxda ay la jeceshahay wiilkeedu inuu u ciyaaro.

Ronaldo ayaa si wayn loo la xiriiriyay ku biirida kooxda PSG kadib markii uu shaki galiyay mustaqbalkiisa Real Madrid Final-kii Champions League.

PSG ayaana u soo bandhigtay Ronaldo mushaar dhan 45 milyan oo euro sanadkii si uu ula mid noqdo Messi oo mushaar kaas oo kale ka qaata Barcelona.

Image result for Ronaldo PSG

Laakiin hooyada dhashay ayaa sheegtay inay la jeceshahay wiilkeeda inuu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Manchester United.

“PSG? Haddii aan runta ka hadlo ma dhibsanayo taas (inuu ku biiro PSG) laakiin waxaan doorbidayaa inuu dib ugu laabto Manchester United” ayeey tiri Ronaldo hooyadiis.

“Waan jeclahay Paris, marwalba ayaan aadaa, markii iigu danbaysay ee aan halkaas tagay waxaan arkay wiilkeyga oo ku guulaysanaya Ballon d’Or, waxay ahayd wax lagu faano, markii aan gaaray Paris waxaan helay soo dhawayn heer sare ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close