Pique oo u sheegay asxaabtiisa xulka qaranka Spain magaca laacibka ugu horeeya ee ka tagaya Barcelona suuqa xaggaagan

(Barcelona) 30 Maajo 2018 Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa la wadaagay asxaabtiisa xulka qaranka Spain xiddiga ugu horeeya ee ay iska dirayso kooxdiisa suuqa xaggaagan.

Waxaa jira ciyaartoy badan oo Barcelona ay qorshaynayso inay iska dirto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee xaggaagan.

Laakiin Gerard Pique ayaa rumaysan in midka ugu horeeya uu yahay Denis Suarez kaas oo loo badinayo inuu amaah uga tago Barcelona xili aad loo la xiriirinayo kooxda Celta Vigo.

Andres Gomes iyo Vidal ayaa iyaguna ku jira liiska xiddigaha ka tagaya Barcelona suuqa xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close