Khabiirka Sky Sports Guillem Balague oo ka warbixiyay shuruuda uu Cristiano Ronaldo kusii joogayo Real Madrid

(Real Madrid) 30 Maajo 2018. Khabiirka Sky Sports iyo kubada cagta dalka Spain ee Guillem Balague ayaa wuxuu shaaca ka qaaday suurtagalnimada uu Cristiano Ronaldo uu kaga dhaqaaqi karo kooxda Real Madrid suuqa xagaaga.

Balague ayaa u sheegay shabakada Sky Sports: “Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos, ayaa kaga dalbaday Ronaldo qolka labiska kadib finalka Champions League, inuu is dejiyo”.

“Ramos ayaa sidoo kale weydiistay Cristiano inuu raaligelin ka bixiyo hadalkii uu ku sheegay inuu ka tagayo,

Wuxuuna sidoo kale ku yiri:  “Ha walwalin, waxaan kaa caawineynaa inaad hesho waxa aad rabto”.

“Dabcan waxa Cristiano uu rabo waa Real Madrid inay bixiso lacagaha canshuurta, taas oo noqon doonta mid aad u weyn, sababtoo ah waxaa lagu eedeynayaa khiyaamo 40 milyan oo euros ah”.

“Ronaldo wuxuu sidoo kale doonayaa in uu mushaar ahaan ka sara maro xidiga xulka qaranka Brazil ee Neymar Jr isla markaana loo dhabeeyo Messi”.

“Xaqiiqdii, tani waxay ahayd ballan uu siiyay sanad ka hor madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close