Inter Milan oo ka hadashay dalabka ay Juventus ku dooneyso saxiixa Mauro Icardi

(Inter) 30 Maajo 2018. Madaxa fulinta ee kooxda Inter Milan Michael Bolingbroke ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Juventus ay dooneyso saxiixa laacibka xulka qaranka Argantina ee Mauro Icardi suuqa xagaaga.

Inkastoo ay Bianconeri uu soo bandhigtay kooxda Inter Milan aduun dhan 50 million euros iyo Gonzalo Higuaín si ay ugu qanciso si ay ugu fasaxaan kabtanka kooxdooda hadana Inter ayaan diyaar u ahayn in ay iska fasaxdo xidigeedan.

Michael Bolingbroke ayaa u sheegay saxaafada: “Waxaan sameyn doonaa wax walba oo sax ah si aan u ilaashano kabtanka kooxda, wuxuu muhiim u yahay kooxdeena”.

“Xilli ciyaareedkii hore wuu dhamaaday, waxaana durbadiiba ka hadleynaa suuqa xagaaga, waxaan dooneynaa inaan dajino dhaqaalaha kooxda, waxaan heysanaa qorsheyaal si aan u sameyno saxiixyada aad ka dooneyno suuqa xagaaga”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close