Horyaalka Japan oo si qaldan u shaaciyay saxiixa Fernando Torres

(Tokyo) 30 Maajo 2018 Weerar yahanka reer Spain ee Fernando Torres ayaa ka tagay kooxda Atletico Madrid kadib dhamaadkii xiliciyaareedka.

34 jirka reer Spain ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda horyaalka Japan ee Sagan Tosu, wuxuuna noqonayaa xiddigii labaad ee u dhaqaaqa horyaalka Japan isla markaana ka tagay La Liga kadib Andes Iniesta.

Bogga rasmiga ah ee horyaalka Japan ayaa lagu shaaciyay in Fernando Torres uu ku biiray kooxda Sagan Tosu, laakiin qoraalkii ayaa durba la tirtiray.

Bogga ayaa raali galin ka bixiyay qoraalkii la soo galiyay, waxaana lagu soo qoray in saxiixa Torres uusan wali ahayn mid la dhameeyay.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Fernando Torres uu ku biiro kooxda Sagan Tosu oo qaab bilaash ah ku qaadanaysa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close