Gianluigi Buffon oo ku dhaw ku biirida kooxda PSG

(Paris) 30 Maajo 2018 Halyeeygii Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa iska diiday dalab uga yimid Liverpool si uu ugu biiro PSG.

Corriere dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Gianluigi Buffon uu aad ugu dhaw yahay inuu xirto maaliyada kooxda reer France suuqa xaggaagan.

Gianluigi Buffon ayaa qalinka ugu duugaya kooxda tababare Thomas Tuchel heshiis dhan 2-sano, wuxuuna sanadkii mushaar u helayaa 8-milyan oo euro.

PSG ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo saxiixa 40 jirkaan reer talyaani maalmaha soo socda gaar ahaan jimcaha oo bisha June ay tahay koow.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close