Arsenal oo heshiis cusub u soo bandhigtay Aaron Ramsey

(London) 30 Maajo 2018 Arsenal ayaa heshiis cusub u soo bandhigtay Aaron Ramsey oo ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa kooxda ee xiliciyaareedkii dhamaaday.

The Times ayaa daaha ka qaaday in Arsenal ay hordhigtay Aaron Ramsey heshiis 5-sano oo uu ku sii joogayo garoonka Emirates.

Tababare Unai Emery ayaa u arka Aaron Ramsey mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan qorshihiisa Arsenal, waana sababta uu u dalbaday in laga saxiixo heshiis cusub.

Arsenal ayaa sidoo kale kor u qaadaysa mushaarka Aaron Ramsey kaas oo haatan ka qaata kooxda 110 kun oo Ginni isbuucii.

Aaron Ramsey ayaa la sheegay inuusan dag dag ku jirin, wuxuuna wadahadal rasmi ah la galayaa kooxdiisa isbuuca soo socda markaas oo tababare Emery uu ka soo laabanayo fasax gaaban oo haatan uu ku joogo dalka Portugal.

Qandaraaska Aaron Ramsey ee Arsenal waxaa uga harsan kaliya hal sano, kooxda ayaana ku qasban iibkiisa haddii uu diido inuu saxiixo heshiiska cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close