WARKII HORE WAR SOO DHAAF: Abukaate/Qareen Sergio Ramos ka gudbiyay Dacwad YAAB LEH oo ku kaceysa……!!!

(Europe) 29 Maajo 2018. Weli waxaa aad loo hadal hayaa dhaawicii uu Sergio Ramos garabka ka gaarsiyay Maxamed Saalax ciyaartii Final ka Champions League taa oo kulanka u aqoonsatay wiilka reer Masar isla markaana shaki wayn galisay rajadiisa Koobka Adduunka.

Abukaate u dhashay dalka Masar ayaa Ramos ka gudbiyay dacwad ku aadan sidii ula kaca uu ku dhaawacay xiddiga Liverpool.

Kabtanka Real Madrid ayaa iminka wajihi kara Dacwad ku kaceysa 1 bilyan oo doolar.

Qareenka lagu magacaabo Bassem Wahba ayaa Kanaalka Sada El-Balad u sheegay:

 Salah left the pitch in tears and had to be consoled by Madrid's Cristiano Ronaldo

“Ramos wuxuu si ula kac ah u dhaawacay Maxamed Saalax waana in lagu ciqaabaa ficiladiisa.

“Waxaan ka gudbiyay File dacwad iyo cabasho FIFA ah.

“Waxaan waydiisan doonaa Magdhow, kaa oo oo ka badnaan kara 1 bilyan oo euro (873 million oo bound), sababtoo ah dhaawaca Jir ahaan iyo midka Maskax ahaan uu Ramos u geystay Maxamed Saalax iyo dadyowga reer Masar.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close