“Waan ka guuleyssan doonaa xulka qaranka Masar hadii Mohamed Salah uu joogo ama uu maqan yahay”

(Russia) 29 Maajo 2018. Xidigii hore xulka qaranka Russia Aleksandr Kerzhakov ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu ku kalsoon yahay in ay guul ka gaari doonaan xulka qaranka Masar kulanka ay isaga hor imaan doonaan koobka aduunka 2018 ka furmi doono dalka Russia bisha soo aadan.

Aleksandr Kerzhakov ayaa u sheegay saxaafada dalka Russia: “Waxaan awoodnaa inaan garaacno xulka qaranka Masar  hadii Mohamed Salah uu joogo ama uu maqan yahay”.

“Waxaan rajeenayaa in Mohamed Salah uu qeyb ka noqon doono koobka aduunka, sababa la xiriira inuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan xiligan kubada cagta”.

Xulka qaranka Masar ayaa wuuxuu koobka aduunka heerkiisa goupyada wuxuu qeyb ka yahay group-ka ay kuwada jiraan xulalka Russia, Sacuudi Carabiya iyo Uruguay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close