Tani Caddeyn ma u noqon kartaa in Ronaldo uu ka tagayo Real Madrid….(Los Blancos oo bixisay Qishkii ugu waynaa)

(Madrid) 29 Maajo 2018. Real Madrid ayaa bixisay Qishkii ugu waynaa ee ah in Cristiano Ronaldo uu ka tagi doono kooxda xagaaga marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Xiddiga reer Portugal ayaa noqday laacibka kaliya ee Shaxda Real Madrid ee laga waayay Sawirkiisa mar ay Dukaanka kooxda Online ku soo bandhigtay maaliyadaha cusub ee kooxda.

Maaliyadiisa oo qura ayaa ka muuqata halka ciyaartoyda kale ay wajiyadooda ka muuqdaan taa oo walaac wayn ku abuurtay taageerayaasha kooxda reer Spain.

 Cristiano Ronaldo's face does not feature on the Real Madrid club shop website

Ronaldo ayaa isagu ciyaartii Final ka Champions League kaddib shaki wayn galiyay Mustaqbalkiisa isagoona sheegay inuu goor dhow war ka soo saari doono.

Iyadoo ay taa jirto ayaa misane waxaa sheekada dab ku sii shiday arrinkan cusub ee ah in Sawirkiisaba laga soo tagay.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close