Real Madrid oo xiddig muhiim ah ka doonaysa dariskeeda Atletico Madrid

(Madrid) 29 Maajo 2018 Real Madrid ayaa ku fikiraysa inay laacib muhiim ah ka soo qaadato kooxda ay dariska yihiin ee Atletico Madrid.

Sida ay baahisay Marca, Maamulka Real Madrid ayaa qorshaynaya inay la soo wareegaan daafaca reer Uruguay ee kooxda Atletico Madrid xiddiga lagu magacaabo Jose Gimenez.

Image result for jose gimenez real madrid

Waxaa loo arkaa in 23 jirkaan uu aad ugu haboon yahay qorshaha tababare Zidane ee xiliciyaareedka cusub, sidoo kale qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico ayaa loo arkaa mid macquul ah.

Qandaraaska Jose Gimenez ee Atletico Madrid ayaa lagu burburin karaa lacag dhan 60 milyan oo euro.

Real Madrid ayaa ku fikirtay saxiixa Jose Gimenez 2015, laakiin kooxda boqortooyada ayaa dib u guratay kadib xiriir xun oo kala dhexeeyay maamulka Atletico waqtigaas, balse haatan waxaa muuqda inuu jiro isbadal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close