Ramos oo si Xun u CANAANTAY Ronaldo kaddib Ciyaartii Finalka…(Hadaladii uu ku Yiri Qolka dharbalashada oo Daaha laga rogay!!)

(Madrid) 29 Maajo 2018. Kabtan Sergio Ramso ayaa la warinayaa inuu qolka dhar badelashada ku canaantay Cristiano Ronaldo kaddib Finalkii Champions League.

Xiddiga reer Portugal ayaa hadal heynta kulanka kala wareegay Gareth Bale oo wacdaro dhigay kaddib markii uu Qishay inuu ka tagayo kooxda Real Madrid.

“Maalmaha soo socda waxaa jiri doona jawaabo ku aado Mustaqbalkeyga. Aad ayay u fiicneyd inaan u ciyaaro Real Madrid,” Ronaldo ayaa hadalkaas ku nusqaamiyay farxadii Los Blancos ee markii 3-aad oo xiriir ah u dabaal dageysay Champions League.

Yeelkeede, Marca ayaa warineysa in Ramos uu qolka dharbadalashada ku canaantay Ronaldo isagoona ku yiri:

“Wax fiican ma ahayn wixii aad sameysay, ma ahayn waqti ku haboon inaad waxaas tiraahdo.

“Sug, haku adkeysan, waa inaad talaabo dib u qaadaa waana ku caawin doonaa, Waan kula jirnaa laakiin waa qasab adigana inaad wax caawiso.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close