Mourinho oo cabsi badan ka muujinaya saxiixa Gareth Bale (Maxaa soo kordhay?)

(Manchester) 29 Maajo 2018 Tababare Jose Mourinho ayaa cabsi wayn ka muujinaya dhamaystirka saxiixa laacibka Real Madrid ee Gareth Bale.

Bandhigii wacnaa ee laacibku uu ku soo bandhigay Final-kii Champions League ayaa baqdin galiyay tababare Jose Mourinho.

Qiimaha Gareth Bale ayaa haatan gaaray 200 milyan oo Ginni, marka lagu daro mushaarka United ay u soo bandhigtay oo ah isbuucii 650 kun oo Ginni ayaa laga yaabaa inuu heshiiska gaarsiiyo ilaa 320 milyan oo Ginni sida ay baahisay Express.

Lacagtaas faraha badan awgeed ayaa keeni karta in maamulka Manchester United ay dib uga laabtaan saxiixa Bale suuqa xaggaagan taas oo ka hor imaanaysa qorshaha tababare Mourinho ee xiliciyaareedka cusub.

Maamulka Man United ayaa ka wal walsan da’da laacibka kaas oo 29 jir noqonaya bisha July ee sanadkaan, waana sabab kale oo aan loogu bixin karin lacagta intaas la eg.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close