Kooxda Arsenal oo xidigan ka dooneysa dhigeeda dalka talyaaniga ee Juventus

(Arsenal) 29 Maajo 2018. Macalinka kooxda Arsenal Unai Emery ayaa si xoogan u xiiseenaya in uu Gunners ka sameeyo shaxda Gunners inta uu furan yahay suuqa xagaaga.

Iyadoo uu Per Mertesacker uu ciyaaraha ka fariistay iyo dhaaacii darnaa ee kasoo gaaray Laurent Koscielny kulankii Atletico Madrid isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono ilaa iyo December, ayaa ka dhigeysa in Unai Emery uu si xoogan u galo suuqa xagaag.

Wargeyska “Mirror” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday In Unai Emery uu doonayo inuu sameey saxiixa difaaca kooxda Juventus ee Medhi Benatia, si uu qeyb kaga noqdo qorshihiisa xili ciyaareedka cusub.

Medhi Benatia ayaa si xoogan lala xiriirinayaa in suuqa xagaaga uu ka dhaqaaqi doono kooxda marwada duqda lagu naaneyso, taasoo noqon karta fursad uu ku heli karo saxiixiisa tababaraja cusub ee Gunners Unai Emery.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Juventus ay dooneyso in ay ku kansasho sheshiiska xidigeedan aduun dhan 20 milyan ginni.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close