Arsenal oo isbuucaan ku dhawaaqaysa saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xaggaagan

(London) 29 Maajo 2018 Arsenal ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo isbuucaan saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xaggaagan sida ay baahisay London Evening Standard.

Gunners ayaa haatan ku howlan dhamaystirka saxiixa daafaca kooxda Borussia Dortmund ee Sokratis Papastathopoulos.

Wuxuuna noqonayaa saxiixii ugu horeeyay ee Arsenal ay samayso tan iyo markii Unai Emery loo magacaabay tababaraha kooxda isbuucii hore.

Arsenal ayaa diyaar la ah bixinta lacag dhan 16 milyan oo Ginni oo ah qiimaha Borussia ay ku doonayso daafaceeda 29 jirka ah.

Tababare Unai Emery ayaa qorshaynaya inuu kooxda ka dhiso dhanka daafaca si uu dib ugu soo celiyo Arsenal koobka Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close