Warqad Dacwad ah oo laga gudbiyay Sergio Ramos kaddib dhaawicii uu u geystay Maxamed Saalax iyo 300,000 oo….!!!

(Europe) 28 Maajo 2018. Sergio Ramos ayaa garoonka ka saaray Maxamed Saalax daqiiqadii 30-aad ciyaartii Final ka Champions League isagoo waliba ooynaya kaddib markii uu garabka ka dhaawacay.

Taageere Careysan ayaa UEFA iyo FIFA u gudbiyay warqad codsi ah oo uu kaga dalbanayo in talaabo laga qaado Kabtanka Real Madrid.

Warqadan waqtiga yar tiilay baraha Bulshada ayaa durba heshay in ka badan 300,000 oo Saxiix.

Warqada durb taageerayaasha badan heshay ayuu taageeraha u qoray Sidan:

“Sergio Ramos wuxuu si kas ah kil kisha ugu hayay gacanta Maxamed Saalax taa oo sababtay inuu garabka kala boxo.

 Petition launched on Saturday demanding football authorities take action against Sergio Ramos has over 300,000 signatures

“Ma ahan oo kaliya inuu seegay inta ka harsanayd kulanka ee wuxuu kaloo seegayaa koobka adduunka.

“Waxaa intaa dheer in Ramos uu jilayay in si been abuur ah ay qalad ugu galayeen ciyaartoyda Liverpool, isagoona ku qasbay garsooraha inuu Mane siyo Kaarka Jaalaha uusan u qalmin.

“Sergio Ramos wuxuu matalaa tusaale aad u xun ee mustaqbalka jiilka ciyaartoyda kubbada cagta, halkii uu kulanka ku guuleysan lahaa si caddaalad ah wuxuu isticmaalaa qiyaanooyin taa oo diidan ruuxiyada kulanka iyo ciyaarta caddaalada.

“UEFA iyo FIFA waa inay tallaabooyin ka qaadaan Ramos iyo ciyaartoyda la midka ah iyagoo isticmaalaya muuqaalka laga duubay kulamada si loo joogteeyo ruuxiyada ciyaarta.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close