RASMI: Liverpool oo dhamaystirtay saxiixa Fabinho +SAWIRRO

(Liverpool) 28 Maajo 2018 Liverpool ayaa si rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa laacibkii AS Monaco ee Fabinho kaas oo si lama filaan ah ugu soo dhaqaaqay Anfield.

Fabinho ayaa u saxiixay Liverpool heshiis 5-sano ah, wuxuuna u ciyaarayaa kooxdiisa cusub ilaa 2023.

24 jirka reer Brazil oo la hadlay webka kooxda Liverpool ayaa yiri:

“Markii uu dalab iiga yimid koox sidaan u wayn wax badan kama fikirin, waxaan isku dayayaa inaan taariikh ii gaar ah ku sameeyo kooxdaan iyo inaan koobab la qaado”.

“Waxaan isku dayayaa inaan koro oo hormar sameeyo isla markaana aan hagaajiyo awoodayda, waxaan doonayaa inaan qayb ka noqdo taariikhda Liverpool”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close