Madaxweynaha kooxda Atlético Madrid Enrique Cerezo oo u jawaab celiyay Sergio Ramos

(Atletico Madrid) 28 Maajo 2018. Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa wuxuu ka hadlay xaalada ka dhex jirta kooxda Real Madrid, iyo suurtagalnimada uu Cristiano Ronald kaga dhaqaaqi karo Santiago Bernabeu.

Sidoo kale madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa wuxuu ka hadlay arinta ku aadan Antoine Griezmann.

“Ma garanayo dhibaatooyinka kooxaha kale, waxa aan dhahayo waa waxa aan horay u sheegay, Griezmann wuxuu kooxda kula jiraa heshiis afar sano gaarsiisan”.

Enrique Cerezo ayaa sidoo kale ka hadaly hadal uu Sergio Ramos ku weeraray kooxda Atletico Madrid, wuxuuna yidhi: “15-ka Agoosto, ayaan soo laaban doonnaa waxaan arki doonnaa cida ku weyn caasimada Madrid”.

“Haatan waxaynu ku jirnaa maalmo fasax ah, ka dibna waxaan u shaqeyn doonaa inaan badino”.

Dhawaan ayay ahayd kadib markii uu Sergio Ramos sheegay inta lagu gudi jiray dabaal daga koobkii Champions League ay ku guuleysteen: “Waxaan qaadeynaa hees sababtoo ah dadka qaarkood waxay iloobaan mararka qaarkood, u sheega haatan hogaamiyaasha caasimada”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close