Inter Milan oo tilaabadaan ku niyad jabinaysa kooxaha doonaya saxiixa Mauro Icardi

(Milan) 28 Maajo 2018 Inter Milan ayaa dajisay qorshe cajiib ah oo ay kooxaha kale uga hor sitaagayso saxiixa weerar yahankeeda Mauro Icardi.

Xiddigaan ayaa laga reebay xulkiisa Argentina ee ka qayb galaya koobka adduunka, wuxuuna soo bandhigay qaab ciyaareed fiican isaga oo Champions League u soo saaray kooxdiisa.

Maamulka Inter ayaa dadaal ugu jira inay heshiis cusub ka saxiixaan Mauro Icardi si looga hor istaago kooxaha doonaya sida uu baahiyay Football Italia.

Mauro Icardi ayaa ku la jira kooxdiisa Inter heshiis lagu burburin karo 110 milyan oo euro oo ah kooxaha ka baxsan talyaaniga oo kaliya labada isbuuc ee ugu horeeya bisha June.

Maamulka Inter ayaa ku dadaalaya inay kor u qaadaan mushaarka Icardi oo ay gaarsiiyaan ilaa 7.5 milyan oo euro sanadkii si kor loogu qaado qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close