Iniesta oo ka sheekeeyay qaab xun oo Ronaldo uu ula dhaqmay 2009-kii

(Madrid) 28 Maajo 2018 Kabtankii hore ee Barcelona ee Andres Iniesta ayaa ka sheekeeyay dhacdo dhex martay isaga iyo Cristiano Ronaldo.

Andres Iniesta ayaa sheegay inuusan xiriir fiican la lahayn Ronaldo isla markaana uusan aqoon xitaa lambarka taleefankiisa.

Laakiin wuxuu soo gocday dhacdo uu hada ka hor ku sameeyay xiddiga reer Portugal markaas oo uu ku yiri Iniesta “waxaad tahay beenloow, waadna is tuurtay”.

Image result for Iniesta Ronaldo

Iniesta ayaa sheegay inuu aad uga carooday hadalada Ronaldo maadaama Lassana Diarra uu jilaafay, wuxuuna yiri:

“Ma jiro wax xiriir ah oo aan la leeyahay Cristiano Ronaldo, mana haayo lambarka taleefankiisa, waxaan isku arki jirnay kaliya kulamada aan wada ciyaarayno”.

“2009-kii, kulan aan la ciyaaraynay Real Madrid ayuu i jilaafay Lassana Diarra, dhulka ayaan ku dhacay, aad ayaan u carooday waayo Ronaldo ayaa igu yiri waxaad tahay beenlow waadna istuurtay”.

“Sidaas ayuu igu yiri waliba aniga oo ku ciyaaraya gurigayga Camp Nou”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close