Didier Deschamps oo ka warbixiyay go’aankiisa kaga aadan Benjamin Mendy ee koobka aduunka 2018

(France) 28 Maajo 2018. Tababaraha xulka qaranka France Didier Deschamps ayaa ka warbixiyay suurtagalnimada uu Benjamin Mendy uu boos joogta ah kaga heli doono xulka qaranka france kulamada koobka aduunka ee 2018.

Deschamps ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in difaaca kooxda Manchester City Benjamin Mendy uu si wanaagsan kaga soo kabtay dhaawacii uu qabay, isla markaana uu ciyaari doono kulanka soo aadan ee saaxiibtinimo xulka qaranka Ireland.

“Djibril Sidibé iyo Benjamin Mendy labaduba waa diyaar, kulanka Ireland wuxuu noqon doonaa mid lagu kala ogaanayo heerka uu gaarsiisan yahay diyaar garowgooda ku aadan koobka aduunka 2018, waxay kusoo bilaawan doonaan kulankan”.

“Ousmane Dembélé sidoo kale wuu fiican yahay, si wanaagsan ayuu tababarka nala sameenayaa, dhawacii uu ka qabay dhanka canqawga hada si wanaagsan ayuu kaga soo kabtay, mana jiraan wax laga walwalo, wuxuu qeyb ka noqon doonaa xidigaha diyaarka u ah kulankan Ireland”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close