DEG DEG: Liverpool iyo Monaco oo ka heshiiyay saxiixa Fabinho (Goorma ayaa lagu dhawaaqayaa heshiiskiisa?)

(Liverpool) 28 Maajo 2018 Liverpool ayaa aad ugu dhaw dhamaystirka saxiixa xiddiga kooxda AS Monaco ee Fabinho kaas oo sidoo kale diirada u saarnaa Manchester United iyo PSG.

Radio Montecarlo ayaa goor dhaw baahiyay in Liverpool ay kala heshiisay Monaco qiimaha Fabinho kaas oo 24 jir ah.

Image result for Fabinho Liverpool

Liverpool ayaa ogolaatay inay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro oo u dhiganta 43.7 milyan oo Ginni, xiddiga reer Brazil ayaana noqonaya saxiixa ugu horeeya ee tababare Klopp uu samanayo xaggaagan.

Klopp ayaa u dhaqaaqay saxiixa Fabinho si uu ugu buuxiyo booska uu baneeyay Emre Can kaas oo qaab bilaash ah ugu biiraya Juventus maalmaha soo socda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Liverpool ay shaacin doonto dhamaystirka saxiixa Fabinho maalinta barri ah, waxaana suurogal ah inay ka dib dhacdo oo ay gaarto ilaa jimcaha.

Qiimaha rasmiga ah ee laacibka ayaa ah 45 milyan oo euro, halka 5-ta milyan ee soo hartay ay tahay lacag ku xiran la qabsigiisa kooxda Liverpool iyo koobabka uu la qaado.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close