Chelsea oo tartanka loogu jiro Bale kula soo biirtay Man United halka ay Real Madrid dalbeyso…

(Europe) 28 Maajo 2018. Manchester United ayaa hogaamin doonta tartanka loogu jiro Gareth Bale kaa oo doonaya inuu ka soo tago Real Madrid iyadoo ay jirto inuu ku hogaamiyay Champions League Taariikhi ah.

Yeelkeede, kooxda Jose Mourinho ayaa tartan adag kala kulmi doonta kooxaha Chelsea, Bayern Munich iyo PSG.

Maamulka sare ee Real Madrid ayaa u muuqada kuwa doonaya in lacagaha ay ku iibin doonaan Bale ee 80- milyan ay u isticmaali doonaan inay Neymar dib ugu soo celiyaan La Liga.

Gareth Bale

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale riday qish wayn oo ah inuu ka tagi doono koxda kaddib markii ay 3-1 uga adkaadeen Liverpool ciyaartii Final ka. taa oo ka dhigan in Los Blancos ay markii 13-aad ku guuleysatay European Cup/Champions League.

Laakiin Bale kaa oo afar sano ka yar Ronaldo isla markaana adduunka xusuusiyay xirfadiisa kaddib markii uu labaaleey cajiib ah ka xareeyay Liverpool labo daqiiqo uun mar uu badel ku yimid isla markaana wax yar kaddib gool kale raacsaday ayaa ah midka ay Man United dooneyso inay ku xoojiso weerarkeeda.

Wakiilka Bale ee Jonathan Barnett ayaa qorsheynaya inuu u soo duulo Madrid si uu Madaxwaynaha Real Madrid Florentine Perez ula yeesho wada hadalo ku aadan mustaqbalka kaliyantigiisa, kaddib markii uu wiilka reer Wels af cad ku sheegay inuu qaati ka taagan yahay keydka lagu hayo.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close