“32-da Koob aan la qaaday Barcelona waxaan ku badalan lahaa Hal Koob aan la qaado Xulkeyga.”.- Messi oo muujiyay Baahida uu u qabo Koobka Adduunka

(America) 28 Maajo 2018. Lionel Messi ayaa daaha ka rogay sida wayn uu ugu baahan yahay inuu ku guuleysto koobka Adduunka ee bisha soo socota ka furmi doona dhul qaboobaha Ruushka.

Xiddiga Barcelona, oo aan koob wayn kula guuleysan xulkiisa ayaa sheegay in 32-koob uu la qaaday camaaliqada La Liga uu dhaafsan lahaa hal koob oo qura uu la qaado Argentina.

Kabtanka xulka Argentina, kaa oo ka mid ahaa xiddigihii gaaray Final ka Koobka adduunka 2014 balse uu ka qaaday xulka Jarmalka ayaa ku raaxeystay xilli ciyaareed kale oo guuleed kaddib La Liga iyo Copa del Rey uu la qaaday Barca.

“Koobabka aan la qaaday Barcelona waxaan ku badelan lahaa Hal aan la qaado xulka Qaranka,” Messi ayaa sidaa u sheegay El Trece.

“Inaad koob kula guuleysato Argentina waa wax Naadir ah.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close