Ronaldo oo sheegay inaysan Lacag iyo Mushaar ahayn waxa ay isku heystaan Real Madrid…(Haddaba maxay tahay??)

(Madrid) 27 Maajo 2018. Lama garanayo ilaa iminka waxa sababay in Ronaldo uu shaki wayn galiyo mustaqbalkiisa Real Madrid xilli ay kooxdu xalay u dabaal degtay Champions League markii saddexaad oo xiriir ah balse wuxuu laacibku qiray inaysan ahayn wax la xiriira Dhaqaale.

Mar Ronaldo la waydiiya dhibaatada uu ka sheeganayo iyo sababtuu shakiga wayn u galiyay Mustaqbalkiisa Bernabeu ayuu ku jawaabay:

“Waa sheeko meel dheer ka timid, Dhibaatadu lacag ma ahan.

 Cristiano Ronaldo told reporters he would have news on his future in the next few days

“Waxaan ku guuleystay Shan Champions League iyo Shan Ballon d’Or. Kole hore ayaan sameeyay Taariikh iminkana xitaa ka sii badan.

“Ma xanaaqsani waayo waan ogahay waxa aan kooxda siiyay, Ma doonayo inaan tir tiro waqtigaan naadirka ah.

“Waxba ma ballan qaadi karo, waxba ma qarinayo maalmaha yar ee soo socda waan hadli doonaa, noloshu ma ahan ammaan oo kaliya.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close