Messi oo Furka tuurtay kaddib markii ay Real Madrid xalay ku guuleysatay CL markii 3-aad oo xiriir ah isagoona Barcelona ku Amray inay….

(Europe) 29 Maaj0 2018. Real Madrid ayaa xalay dhigtay Taariikh lama ilaawaan ah kaddib markii ay ku guuleysatay Champions League markii saddexaad oo xiriir ah.

Los Blancos ayaa si dhib yar ku martay 3-1 naadiga Liverpool ciyaartii xalay ka dhacday Kiev xilli garoonka laga saaray Maxamed Saalax.

Guusha Real Madrid ayaa iminka la warinayaa inay aad uga careysiisay xiddiga Barcelona ee Lionel Messi kaa oo kooxda uGu hanjabay inuu ka tagi doono haddii aysan la soo saxiixan xiddigo waa wayn.

Transfer news: Lione Messi

Kabtanka xulka Argentina ayaa sida ay warineyso Don Balon u sheegay Madaxwaynaha kooxda Josep Maria inay kooxdu sameyso saxiixyo waa wayn haddii kale uu ka tagi doono isagoona ka walaacsan mustaqbalka kooxda kaddib markii ay Real Madrid hanatay CL markii saddexaad oo xiriir ah.

Messi ayaa la sheegayaa inuu aad ugu ad adag yahay Mowqifkiisa ah inuu kooxda ka tagi doono haddii aysan la soo wareegin xiddigo magac leh oo koobka ka dhigta Real Madrid.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close