Héctor Bellerín oo eeganaya xaalada dhaawac Dani Carvajal, si uu firsad ugu helo ka qeyb-galkiisa koobka aduunka ee 2018

(England) 27 Maajo 2018. Héctor Bellerín ayaa laga yaabaa inuu fursad u helo inuu ku biiro xulka Spain Koobka Adduunka ee 2018ka haddii daafaca Real Madrid Dani Carvajal uu maqnaado.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sun ee dalka England jamaahiirta xulka qaranka Spain ayaa waxay dalbanayaan in xulka qaranka Spain uu hogaaminayo Julen Lopetegui lagu soo daro Héctor Bellerín, hadii ay dhacdo in la xaqiijiyo in Carvajal uu ka maqnaan doono koobka aduunka sababa la xiriira dhaawaca kasoo gaaray kulankii Liverpool ee finalka Champions League.

Dani Carvajal ayaa soo gaaray dhaawac inta lagu gudi jiray finalka Champions League ay kaga guuleysteen Liverpool 3-1, wuxuun dhaawac darteed garoonka kaga baxay daqiiqadii 35-aad.

Hadii ay dhacdo in la xaqiijiyo maqnaanshiyaha Dani Carvajal ee koobka aduunka Héctor Bellerín ayaa wuxuu loolan adag u gali doonaa sida uu isaga xaadirin lahaa koobka aduunka soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close