Gareth Bale oo Mugdi Galiyay Mustaqbalkiisa Kooxda Real ?

( Madrid ) 27 Maajo 2018. Gareth Bale ayaa sheegay inuu kala hadli doono xagaagan wakiilkiisa mustaqbalka Real Madrid kadib markii loo magacaagay keydka kulankii guusha weyn ay ka gareen Liverpool.

Bale oo 28 jira ayaa dhaliyay labo gool xili Real ay 3-1 ku adkaatay kulankii ka dhacay Kiev waxayna u dabaal dageen koobkii 13-aad ee tartanka kooxaha yurub.

Yeelkeede, Bale ayaa sheegay inuu niyad jabay markii uusan kusoo bilaaban shaxda kowaad ee finalka.

“Waxaan u baahanahay inaan cayaaro asbuucan, iyo kii hore taasna ma dhicin kal cayaareedkan,” Bale ayaa sidaa u sheegay BT Sport.

Weeraryahanka Wales Bale ayaa cayaarta ka dhaliyay labo gool oo caaqiba lahaa markii uu badal ku yimid qeybta dambe ee dheesha, wuxuuna Los Blancos la hantay koobkii afaraad ee Champions League tan iyo Markii uu shan sano ka hor kaga soo dhaqaaqay adduun lacageed oo dhan £85.3m oo gini kooxda Tottenham.

Bale's first goal in Saturday night's 3-1 win over Liverpool in the final was a superb bicycle kick

“Waxaan ahaa dhaawac shan ilaa lix todobaad xagaagan laakiin tan iyo markaas taam ayaan ahaa,” ayuu hadalkiisa kusii daray Bale.

“Waan la fariisan doonaa wakiilkeyga xagaagan si aan kaga wadahadalno mustaqbalkeyga.

“Sida iska cad waxaan ahaa mid aad u niyad jabay markii aan kusoo bilaaban kulanka, kasoo aan u qalmay laakiin go’aan waxaa leh macalinka.”

Kooxaha Premier League ayaa aad u daneynaya saxiixa Bale waxaan ugu horeysa doonistiisa naadiga Manchester united.

Gareth Bale scored twice to inspire Real Madrid to a third consecutive Champions League title

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close