Claudio Ranieri oo hal arin u sheegay Maurizio Sarri, kahor inta uusan ku biirin kooxda Chelsea

(England) 27 Maajo 2018. Claudio Ranieri ayaa aaminsan in Maurizio Sari laga yaabo inuu ku guuleysto Chelsea, lakiin waxa uu ka digay inuusan arki doonin wax yar ama lagayaabee inuusan arkin” milkiilaha kooxda Roman Abramovich.

Macalinkii hore kooxda Napoli ayaa lala xiriirinayaa inuu heshiis qalanka ugu duugi doono kooxda reer London ee Chelsea, si uu u noqdo badalka Antonio Conte .

Laakiin macalinkii hore kooxda Leicester City ayaa u sheegay shabakada Sky Italy: “Waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Aurelio De Laurentiis, sababtoo ah wuxuu keenay tababaraha ugu fiican ee Talyaaniga, kaasoo koobab badan ku guuleystay”.

“Wax walba waxay ku xiran yihiin waxa uu doonayo Maurizio Sarri, wuxuu arki doonaa wax yar, ama laga yaabee inuusan arkin madaxweynaha kooxda kooxda Roman Abramovich, waa inuu si adag u shaqeeyaa, taasi malan wax ay u dhimi doonto”.

“Hadda si wanaagsan ayay u garanayaan isaga kooxaha Yurub oo dhan waana hubaa inuu falsafadiisa meel walba ku soo rogi karo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close