Barcelona oo sii diyaarsatay badalka Antoine Griezmann, hadii ay ku guuldareysato saxiixiisa

(Barcelona) 27 Maajo 2018. Wargeyska “Don Balón” ayaa wuxuu sheegay in Barcelona heshay badalka Antoine Griezmann, kadib markii uu hoos u dhacay wada hadalada ay kaga dooneesay Atletico Madrid.

Hadaba maamulka kooxda reer Ctalonia ay isha ku hayaan saxiixa xidiga kooxda Ajax Justin Kluivert uu qeyb kasoo noqday liiska xidigaha ay dooneyso suuqa xagaaga ee soo aadan, waxayna dooneysaa in saxiixiisa ay dhameystirto hadii ay dhacdo inay ku guuldareesato saxiixa Antoine Griezmann,

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in 19 jirkan uu si xoogan u xiiseenayo xirashada maaliyada kooxda Barcelona.

Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in dhankiisa uu si weyn u soo dhaweeyay in Justin Kluivert uu yimaado garoonka Cump Nou.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close