Zidane oo caawa hawada ku cunaya laacib kaan iyo weerarka BBC oo ….!

(Kiev) 26 Maajo 2018 Tababare Zinedine Zidane ayaa qorshaynaya inuu caawa hawada ku cuno xiddig muhiim u ah kooxdiisa.

Marca ayaa daaha ka qaaday in tababare Zidane uu qorshaynayo inuu ku soo bilaabo weerarkiisa caawa BBC oo in muddo ah aan ku soo wada bilaaban kulan ka tirsan Champions League.

Wargayska ayaa sheegay haddii uusan dhicin arin lama filaan ah in shaxda Real Madrid ee caawa ay ku soo bilaabanayaan weerarka halista ah ee BBC.

Image result for Zidane BBC

Zidane ayaa go’aansaday inuu keydka ku cabo kubadd abuurihiisa Isco kaas oo rajo wayn ka lahaa inuu ku soo bilowdo kulanka caawa kadib dhaawicii uu ka soo laabtay.

Tababaraha reer France ayaa aad u la dhacay weerarka BBC kulankii Barcelona ee Camp Nou, markaas oo ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

Waxaana xusid mudan in Bale iyo Ronaldo ay u kala dhaliyeen goolasha kooxdiisa halka Benzema uu caawiyay goolkii Cristiano.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close