“Weligeey Waxaan taageeri jiray Real Madrid, Balse Maxamed Saalax dartiis Caawa waxaan la jiraa Liverpool.”.

(Europe) 26 Maajo 2018. Real Madrid iyo Liverpool ayaa kulanka kama dambeysta Champions League caawa isku fara saari doona Kiev.

Xiddiga reer Masar ee Ramadan Sobhi ee u safta naadiga Stoke City ayaa ka dhawaajiyay inuu weligiis taageeri jiray Real Madrid isla markaana uu ilaa iminka ku dayado Cristiano Ronaldo balse Maxamed Saalax dartiis uu caawa taageeri doono Liverpool.

“Aad ayuu u fiican yahay xiriirka igala dhexeeya Maxamed Saalax. Waxaan u wada ciyaarnaa xulka Masar, waan wada hadalnaa waana kulanaa markasta aan fursad isku helno,” Ramadaan ayaa sidaa yiri.

“Ma ahan oo kaliya inuu yahay saaxiibkey iyo inaan isku xul nahay balse sida walaalkey iga wayn oo kale ayuu ii yahay.

“Dhabtii si fiican ayuu sameynayaa waxaana rajeynayaa in Sabtida (Maanta) uu sii fiicnaado xilli ciyaareedkiisa, inkastuu la ciyaarayo kooxdii yaraanteyda.

“Markii aan yaraa waxaan jeclaa Cristiano Ronaldo markastana waan daawan jiray, Xitaa iminka waa laacibka aan jeclahay.

“Waxaan caawa u baahanahay maro ay labada koox ku sawiran yihin, dhabtii waan jeclaan lahaa haddii uu Saalax si fiican u ciyaaro, gool dhaliyo isla markaana guul ku hogaamiyo Liverpool.

“Taasi waa sababta markii ugu horreysay nolosheyda aan qarin doono maradeyda Real Madrid, waxaana naf huridaas u sameynayaa Maxamed Saalax dartiis.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close