Waqtiga Samuel Umtiti uu u saxiixayo heshiiska cusub kooxdiisa Barcelona oo la ogaaday

(Barcelona) 26 Maajo 2018 Barcelona ayaa ku dadaalaysay isbuucyadii u danbeeyay sidii ay heshiis cusub uga saxiixi lahayd daafaca reer France.

Samuel Umtiti ayaa ku la jira Barcelona heshiis gaaraya ilaa 2021, laakiin qiimaha lagu burburin karo oo ah 60 milyan oo euro ayaa wal wal ku haaya kooxda tababare Valverde maadaama uu yahay qiimo koox walba ay bixin karto.

Idaacada Onda Cero ayaa baahisay in Samuel Umtiti uu dalab fiican ka haysto Manchester United oo doonaysa saxiixiisa suuqa xaggaagan.

Laakiin sida muuqata Barcelona ayaa ku guulaysatay inay ka saxiixdo heshiis cusub, waxaana la go’aamiyay inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa isbuuca soo socda.

Heshiis kordhinta Samuel Umtiti wax saamayn ah kuma yeelan doonto saxiixa Barcelona ee Clement Lenglet kaas oo ay ku la soo wareegayso 30 milyan oo euro oo ah qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa Sevilla.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close