Rikoodh aad u cajiib ah ee ku aadan Cristiano Ronaldo kahor kulanka Finalka Champions League

(Real Madrid) 26 Maajo 2018. Website-ka rasmiga ah ee “Obata” ee loogaga haray tirakoobka iyo rikoodhada ayaa wuxuu shaaca ka qaaday bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka rikoodh aad u wanaagsan ee ku aadan xidiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo, kahor inta uusan bilaawan kulanka ay Liverpool ku wada ciyari doonaan finalka Champions League.

Kabtanka xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayay shaacisay shabakada “Obata” inuu ka mid yahay xidiga ugu goolasha badan kulamada finalka Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 4 gool ee ah kulamada finalka Champions League, wuxuuna sidaas ku noqonayaa inuu qeyb ka yahay xidigaha ugu gool dhaliska badan kulamada finalka Champions League wuxuuna sidaas kaga sara maray Lionel Messi, waxaa kaliya rikoodhkan kaga sareeya halyayga Real Madrid Di Stéfano oo heysta 5 gool

Dhanka kale, Cristiano Ronaldo ayaa  goolashan soo dhaliyay finalada Champions League ee kala ah  sanadii 2008, 2014 iyo 2017, waana rikoodh aysan qofna jabinin tan iyo 1993.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close