Paolo Maldini oo ka hadlay fikirkiisa kaga aadan finalka caawa ee Champions League

(Champions League) 26 Maajo 2018. Halyayga xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxda AC Milan Paolo Maldini ayaa ka hadlay aragtidiisa kaga aadan kulanka caawa ee finalka Champions League ay ku wada balansan yihiin kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Paolo Maldini ayaa u sheegay shabakada Sky Sports: “Waa laba kooxood si weyn uu farqi ugu dhexeeyo, Liverpool waxay ku ciyaari doontaa cabsi, waxayna raadin doontaa weeraro gaadmo ah, iyadoo ka faa’ideysan doonta saddexda xidig ee weerarka kaga ciyaarta”.

“Dhanka kale, Real Madrid ayaa sida caadiga ah isku dayi doonta inay xakameynso ciyaarta, si ay u heysato kubada inta ugu badan”.

Maldini ayaa dhinaca kale ka hadlay lasoo saxiixashada kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti wuxuuna yiri: “Waa doorasho aanan waligay filaneynin, Waan ku faraxsanahay Carlo, aan aragno waxa dhaca”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close