Mario Balotelli oo noqonaya kabtanka xulka qaranka talyaaniga

(Roma) 26 Maajo 2018 Tababare Roberto Mancini ayaa wali sii wada lama filaankiisa kadib markii loo magacaabay tababaraha xulka qaranka talyaaniga.

Mario Balotelli oo 4-sano aan u ciyaarin xulka qaranka talyaaniga ayuu u yeeray tababare Mancini, wuxuuna haatan u xirayaa kabtanimada xulka.

Mancini ayaa soo xushay 30-laacib kuwaas oo kulamo saaxiibtinimo u ciyaaraya xulka, kulanka ugu horeeya ayuuna xulku ciyaari doonaa isniinta.

Balotelli ayaa hogaaminaya xulka qaranka Talyaaniga kulanka isniinta markaas oo ay la ciyaarayaan Sucuudiga, jimcaha ayeey la ciyaarayaan xulka qaranka France.

3-maalin kadib waxay la ciyaarayaan xulka qaranka Holland oo iyaguna ka haray koobka adduunka.

Leonardo Bonucci ayaa loo badinayaa inuu noqon doono kabtanka buuxa ee xulka, laakiin haddii uu maqnaado Mario Balotelli ayaa xiran doona kabtanimada xulka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close