Henderson oo dhiira galin siiyay saaxiibadiis kahor kulanka caawa ee finalka Champions League

(Liverpool) 26 Maajo 2018. Jordan Henderson ayaa ku dhiiro galiyay saaxiibadiis in ay qaadaan talaabo kale dheeri ah, si ay taariikh kaga kooxda kooxda Liverpool, si ay ugu guuleystaan caawa Champions League.

Kabtanka kooxda Liverpool ayaa wuxuu sidoo kale ku faanay in xidigaha Mohamed Salah Sadio Mané iyo Roberto Firmino ay ku hogaamin karaan caawa guul, si ay kaga guuleystaan Real Madrid koobka Champions League

“Waxaan ku dhow nahay Inaan taariikh sameyno, laakiin ku guuleysiga koobab waa wax dhxaltooyo u ah Liverpool, koox ahaan waxaan xili kasta dooneynaa inaan ku guuleysano koobab, sidoo kale Jamaahiirta waxaan hada ku soconaa wadada saxda ah”.

“Finalka ayaa noqon doonaa mid aad u adag, waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan ugu guuleysan karno horyaalka, waxaan u baahanahay inaan u diyaargarowno wax walba, waana ognahay in Real Madrid ay tahay koox weyn, laakiin waxaan ka war qabnaa in aan dhaawici karno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close